Metka-kylätalo

Ku soo dhawow guriga Metka ee tuulada Lieksa

Gurigan Metka wuxuu soo galootiga ka caawiyaa xallinta dhibaatooyinka la soo dersa. Waxaad soo booqan kartaa maalmaha Isniinta iyo Arbaca saacada 9:00 – 15:00 sidoo kale maalmaha Talaada iyo Khamiista saacadaha 10:00 – 18:00.

Sidoo kale Metka waxaa lagu abaabulaa hiwaayado iyo kulamo kala duwan.

Gurigan dadkoo idil wuu u furanyahay!

 

Waxaad noogu iman karta aarimaha soo socda:

–       Hadaad u baahantahay caawin

–       Hadaad ku shaqeyneyso iskaa-wax-u-qabso

–       Hadaad ka qeyb-galeyso hiwaayadaha iyo kulamada

–       Hadaad waqtigaaga halkaas ku qaadaneyso

–       Hadaad rabto shaqo ku tababarasho

–       Hadaad rabto shaqo la qabsi la fududeeyey

–       Hadaad rabto inaad TV.ga fiirsato

–       Hadaad abaabuleyso xaflad

–       Hadaad nagu soo kordhineyso fikiradaada

–       Hadaad na soo booqaneyso

–       Wixii aan awoodno waan kaa kaalmeyneynaa!

 

      ”Lieksa qofna kama aqoonin, waxaan imid guriga Metka kadibna waxaan bartay saaxiibo cusub”

·         ”Ma aqoonin sida loo buuxiyo foomka Kela, waxaan caawin ka helay Metka!”

·         ”Waxaan u umid shaqo ku tababarasho Metka, luuqada Finnishkana wax badan ayaan ku bartay”

·         ”Waxaan doonayey inaan ganacsade noqdo, waxaan fursad u helay inaan ka qeyb-galo aqoon kororsiga ganacsiga ee Mteka!”

 

·         Lieksan Somaliperheyhdistys ry 

·         Rantalantie 7, 81720 Lieksa